The Senate of Somalia Profile Banner
The Senate of Somalia Profile
The Senate of Somalia

@AqalkaSare

13,679
Followers
3
Following
427
Media
460
Statuses

The Official Twitter Account of the Upper House Of Somali Federal Parliament.

Somalia
Joined October 2016
Don't wanna be here? Send us removal request.
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
8 hours
Guddiga adeegga Bulshada Aqalka Sare, ayaa wali ku guda jira toosinta iyo akhrinta Xeerka Shaqada Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada Sen.Cisman Maxamuud (Dufle) ayna ka soo qayb galeen xubnaha guddiga iyo sharciyaqaannada golaha.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
3 days
Gudd Aqalka Sare, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 2 maalmood qaadatay oo uu magaalada Dubai kulan miro-dhal ah kula soo qaatay Gudd Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraadka Carabta. Gudd oo socdaalkiisa ku soo maray Nayroobi ayaa booqday safaaradda Soomaaliya
Tweet media one
0
6
8
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
4 days
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ku sugan Magaalada Nairobi, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagey Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. waxana soo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Jibril Cabdulle & dublomaasiyiinta safaaradda.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
6 days
Guddiga Arimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa soo gebegebeeyay safar shaqo oo ay ku joogeen magaalada Kismaayo. safarkan oo qaatay muddo 5 maalmood ah, ayaa intii ay joogeen magaalada Kismaayo waxa ay kulamo mirodhal ah la qaateen madaxda maamulkaas & qaybaha kala duwan ee bulshada
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
6 days
Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, oo booqday xarunta magaalada Kismaayo ee lagu diyaariyo raashinka qallalan ee taakulada saadka ciidanka ayaa gaarsiiyay, raashin kala duwan oo ay ugu talagaleen Ciidamada jooga furimaha hore ee dagaalka.
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
7 days
Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiilada Jubbaland. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kaalinta Aqalka Sare ee arrimaha doorka matalaadda iyo xoojinta xiriirka shaqo ee 2 guddi iyo labada heer Baarlamaan.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
7 days
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS iyo wafdigiisa ku sugan Dalka Imaaraatka Carabta ayaa booqasho ku tagay Masaajidka Sheekh Saa'id Aal Nahyaan, oo ah masaajidka 3 aad ee ugu wayn adduunka marka laga reebo labada Xaramayn ee Makkah almukarramah iyo Madiina Almunawarah.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
7 days
Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta iyo xoojinta wada shaqaynta Labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
7 days
Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare oo safar shaqo ku jooga Kismaayo, ayaa maalintii 4 ku qabtay Dood Cilmiyadeed ku Saabsan Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka. Kulanka Dood Cimiyadeedka ah waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Dowlad G Jubaland.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
8 days
Gudd Aqalka Sare & wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka. ayaa kulan la qaatay Gudd Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraadka & xubno ka tirsan Golahaas. Labada Guddoomiye, waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
3
4
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
8 days
Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare oo maalintii 3 safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo ayaa maanta soo xiray aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa wacyigelinta leexsiga gargaarka loo qoondeeyay Soomaaliya. Waxaana qayb ka ahaa xubnaha guddiga joogtada ee golaha wakiilada Jubbaland
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
9 days
Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare oo maalintii 2 safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo ayaa maanta qabtay aqoon iswaydaarsi ku saabsan wacyigelinta leexsiga gargaarka loo qoondeeyay Soomaaliya.Ugu horrayn gudd Baarlamaanka Jubbaland ayaa daahhfuray madasha aqoon iswaydaarsiga
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
2
5
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
9 days
Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay Guddiga joogtada ee golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland. Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta arrimaha sharci dejinta & xoojinta xiriirka shaqo.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
9 days
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Gudd ayaa la kulmi doona dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda isu-tagga Imaaraatka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay
Tweet media one
0
1
4
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
10 days
Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Magaalada Kismaayo. Xubnaha Guddiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wakiiladda, Wasiirro & xubno kale. guddiga, ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
12 days
GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, OO KA WADA HADLAY DARDAR GELINTA SHURUUCDA HORUTEBINTA U LEH KALFADHIGA SHANAAD.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
12 days
Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Wang Yu. Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka soo-jireenka ah ee DFS iyo Dowladda Shiinaha.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
13 days
Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka ee Aqalka Sare, ayaa manta yeeshay kulan ay uga tashanayaan sidii bulshada looga talo gelin lahaa Hindise Sharciyeedka Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada, gaar ahaan dadka baahiyaha gaar ah qaba.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
4
4
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
14 days
Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa tacsi ugu tagay qoyska Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Faracadde, una tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday marxuumka Alle ha u naxariistee. Wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
6
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
14 days
Xoghayaha guud Aqalka Sare ee BJFS Cabdinaasir Ibraahim, oo uu wehelliyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qayb galay shirka Xoghayayaaash Guud ee Baarlamaannada midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Johannesberg ee Dalka Koonfur Afrika.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
2