Abdikarim Hussein Guled Profile Banner
Abdikarim Hussein Guled Profile
Abdikarim Hussein Guled

@AHGuled

35,962
Followers
69
Following
775
Media
1,836
Statuses

Special Presidential Envoy for Somaliland, former president of Galmudug State of Somalia, former minister of Interior and National Security.

Mogadishu - Somalia
Joined April 2015
Don't wanna be here? Send us removal request.
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan farxadda iyo reyn-reynta la wadaagayaa gabadheyda Drs.Xafsa C/kariin oo maanta jaamacad ku taala dalka Shiinaha kaga qalin jabisay kuliyadda Caafimaadka. Waxaana u rajeynayaa guul iyo horumar joogto ah.
Tweet media one
100
20
610
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
DIFAACA DALKU WAA WAAJIB WADANI AH. Waa dhab in dowladda aan ku kala aragti duwanahay siyaasado badan oo ay dalka u daadihineyso kuna hogaamineyso, laakiinse marka ay timaado difaaca qaranka iyo midnimada dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa waajib ah in meel looga soo wada jeesto.
Tweet media one
60
71
434
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Madaxweye Farmaajo waa madaxweynaha sharciga ah ee Soomaaliya waxuuna mudan yahay sharaf iyo ixtiraam maadaama uu huwan yahay haybaddii iyo qaranimadii umadda Soomaaliyeed. Haddaba marnaba lama aqbali karo in dowlado shisheeye ay meel oga dhacaan karaamadiisa
Tweet media one
29
102
390
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
I congratulate the Hobyo conference. The port of the ancient city of Hobyo will be built by the people of Galmudug. It's milestone for Galmudug to count on its self for this project. Over 90 million USD has been pledged!!!!
Tweet media one
27
44
382
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda saaro dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.
Tweet media one
36
70
336
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Maanta oo kale 32 sano ka hor ayuu geeriyooday Alaha u naxariisye Halgame marxuum Cabdulahi Ciise Maxamuud, aabihii xoriyadda Soomaaliya, halgamaha oo dadaal dheer u soo maray asaga iyo saaxiibadiisii kale ee halgalka ku weyliyay xaqiijinta iyo hanashada xoriyadda dalka.
Tweet media one
39
52
319
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Madaxweyne dal sidaan laguma xukumi karo.
Tweet media one
105
27
275
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
9 months
The Ethiopian government's actions today constitute a blatant disregard for international norms and legal frameworks, representing a brazen violation of Somali territorial sovereignty and undermining the progress achieved through ongoing dialogue beteeen FGS and Somaliland that
55
91
276
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Qadiyadda Somaliland waa qadiyad aan marnaba indhaha laga qarsan karin una baahan in lagu wajaho go,aan iyo geesinimo u dhiganta mugga iyo xajmiga ay leedahay. Waayo waa qadiyad 30 jirsatay dib u dhiska hanaanka dowladnimo ee Soomaaliyana ay wax weyn kaga xiran yihiin.
Tweet media one
69
64
263
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Intaan waqtiga iyo waayugu i qaban.
Tweet media one
26
5
260
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Bilicda iyo quruxda dabiiciga ah ee dalkeena hooyo.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
13
36
263
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan u hambalyenayaa farxadda iyo reynreyntana la wadaagayaa wiilkeyga Maxamed Amiin C/kariin oo ka qalin jabiyey kuliyadda maamulka iyo maareynta ee Jaamacadda Islaamka ee dalka Pakistan. waxaan Maxamed Amiin u rajeynayaa guul iyo horumar joogto ah.
Tweet media one
Tweet media two
50
7
228
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Qofkii hal arday ka hor istaaga guushiisa, wuxuu bur buriyay labo qoys iyo Qaran. Reerkii uu ka yimid ardaygu, reerka uu dhisan lahaa berri isagoo aqoonyahan ah iyo Qaranka, sidaa darteed DF iyo Puntland waa iney badbaadiyaan saddexdaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyan muranka.
Tweet media one
31
36
227
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Qarnigaan 21aad ninka ku fikiraya doorasho boob ah waa nin biyo dufan ka raadiyay.
66
31
215
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed waxaa bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada Nabadda, Horumarka, Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda.
Tweet media one
27
29
197
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
It is clear that Farmajo did not want to compromise, nor was he accustomed to compromise and showing maturity. Thank you PM Rooble for showing compromise to find a solution. I urge PM to move forward and expedite the elections, as they are the way to bring peace and justice
105
31
186
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Ciid wanaagsan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed
Tweet media one
18
8
187
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Hambalyo wiilkeyga Xuseen iyo gabadheyda Caaliya oo maanta ka qalin jabiyay Dugsiga Sare. Sidoo kale waxaan hambalyo leeyahay Cabdiraxmaan Sheekh oo ah 70 jir asbuucan galay imtixaanka dugsiga dhexe. Waxbarashadu waxey jiheysa mustaqbalka qofka iyo kan Qaranka ee aanu xoojino.
Tweet media one
Tweet media two
26
5
190
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
War-murtiyeed ku aadan dib ugu soo laabashada saaxada siyaasadda.
Tweet media one
47
19
181
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Hambalyo marwo Faadumo Amiir Faandhe oo maanta baarlamaanka Galmudug uu u doortay gudoomiye ku xigeenka 2aad, waana wax lagu farxo in gudoonka iyo hogaanka sare ee Galmudug ay gabar ka mid noqotay, waxayna na tuseysa biseylka ree Galmudug iyo baarlamaankooda.
Tweet media one
19
11
176
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan u hambalyeynayaa mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble oo caawa loo magacaabay wasiir koowaad ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana Allah oga rajeynayaa inuu u fududeeyo howlaha weyn ee loo idmiday.
Tweet media one
13
9
180
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
The commission of inquiry appointed by Farmajo to the case of Ikraan Tahliil is an attempt to mislead the public, obstruct justice, and undermine the case. The case is before the court. We should allow the courts to complete investigation.
49
38
175
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Sharaf ayey ii ahayd inaan galabta hoygiisa magaalada Qaahira ku yaala ku soo booqdo madaxwenahii hore ee Soomaaliya mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan, la kulanka madaxweyne Cabdiqaasin oo ah shakhsi taariikh iyo khibrad weyn leh waa fursad aad muhiim ah.
Tweet media one
13
14
167
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan maanta soo gaaray magaalada taariikhiga ah ee Hobyo si aan oga qeybgalo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee sida habsamida leh oga socda magaalada Hobyo.
Tweet media one
19
7
170
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaa sharaf weyn ii aheyd inaan maanta si nabad ah ku gaaro magaalada Kismaayo, si aan oga qeyb galo xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam.
Tweet media one
97
24
158
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Bulshadaada inaad adeege u noqoto waa sharaf aan la soo koobi karin.
@KhadijaMakhzumi
Khadija Mohamed Al-Makhzoumi
4 years
Ma jirto dunida wax ka wanagsan kana farxad badan, markaad tahay u adeege bulsho. Alxamdulilah ilahay bay mahadi dhamaanteed u ahaatay oo inoo fududeeyo inan dalkooda dib ugu celino muwadinintena Soomaaliyeed ee ku xayirmay wadankan Pakistan. ciid wanagsan
Tweet media one
181
96
2K
5
6
155
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Waxaad mooda in Kenya ay dooneyso inay ku riixdo dowladda Soomaaliya inay wadahadlo toos ah la gasho, ayadoo ujeedkuna yahay in dacwada kala soo laabato maxkamadda aduunka, arinkaas oo khatar ku ah Soomaaliya. Haddaba waxaan dowladda oga digeyna inaysan bohoshaas ku dhicin.
Tweet media one
15
31
154
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
My pleasure @RAbdiAnalyst our meeting was fruitful.
@RAbdiAnalyst
Rashid Abdi
4 years
I met Somalia presidential candidate Abdikarim Guled at his hotel in Nairobi today. We discussed upcoming elections, prospects for credible poll and opposition alliance, among many other topics. The ex-Galmudug President is well-regarded and respected across political divide.
Tweet media one
33
20
246
8
12
137
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan maanta kula kulmay Jabuuti Fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar. Waxaan ka wada sheekeysanay taariikhda fanka iyo kaalintii uu ka soo qaatay kobcinta wacyiga iyo wadaniyadda. Si gaar ah waxuu ila wadaagay taariikhda heesta caan ka ah ee B/weyn iyo sidii ay ku soo baxday.
Tweet media one
19
13
149
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Goobtu waa magaaladii Xoriyadda iyo Ilbaxnimada ee B/Weyne, taariikhduna waa 01 July 1960, masuulka goobta hor kacayana waa Governerkii xiligaas ee Gobolka Hiiraan mudane Hussen Nur Cilmi.
Tweet media one
9
16
149
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Nairobi Safiirka dowladda Mareykanka, kulankaas oo aynu diiradda ku saarnay arimo kala duwan ee dalka quseeya, anigoo safiirka oga mahadcelinayo inuu igu soo booqday goobtii aan daganaa.
Tweet media one
Tweet media two
31
13
140
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
Ma jirto guuldaro ee waxaa jirta guul ama cashir. Kulankii xalay ee xulkeenu la ciyaaray Cumaan waxaan dhihi karnaa wuxuu ahaa mid boggadin mudan. Wiilasheena Ocean Stars waa dadaalleen, waxeyna naga mudanyihiin dhiirigelin iyo mahadcelin.
Tweet media one
3
16
140
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
نهنئ الشعب التركي الشقيق علي نجاحه وتحقيقه علي اجراء انتخابات ديمقراطية ومشرقة، كما نهنئ الرئيس التركي السيد رجب طيب أردغان علي فوزه الانتخابات الرآسية للولاية الثانية للبلاد راجين له تحقيق امنياته وآماله، وللشعب التركي التقدم والازدهار.
Tweet media one
2
15
133
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Waxa ka soo yeeray Maareeyaha Shirkadda DP World Suldan binu Saxiim ma aha wax loo dulqaadan karo waana wax taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, haddaba dowladdu ayadoo ku mahadsan mowqifkeedii hore waa inay qaadaa talaabo u dhiganta arinkaan.
32
64
137
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan magaaladda Istanbul ku kullanay madaxweyne Axmed Qoorqoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoorqoor waxaan ku boggaadiyay howlihii uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug.
Tweet media one
8
7
135
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan hambalyo u diraya dhammaan bulshada iyo madaxda reer Puntland, oo maanta u dabaal-dagaya 22 guurada aasaaskii maamulka. Ma’ahan howl fudud in ku dhawaad rubac qarni la joogteeyo adeeg bulsho, nabad iyo is doorasho, waana arrin mudan in lagu ammaano loogana dayado reer PL.
Tweet media one
7
14
130
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
I had a phone conversation with UK Ambassador to Somalia Mr Ben Fender. We had a very fruitful conversation, covered different issues. From Somali elections of 2020/2021, Covid19, Somali and Somaliland negotiations to FGS and FMS cooperation.
Tweet media one
Tweet media two
64
8
124
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan bogaadinayaa amaanayaana go,aanka geesinimada leh ee uu mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) madaxweynahii hore ee Galmudug uu ku tagay maanta caasimadda Dhuusamareeb, si loo helo Galmudug mideysan. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka shaqeysay una howl gashay arinkaas
Tweet media one
Tweet media two
10
7
123
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Waxaa aad ii soo jiidatay heesta Muqadisho salaam ( مقديشو سلام )ee fanaanka da,ada yar ee Cabdirashiid Muxyadiin oo ah hees muujinaysa sharafta iyo qiimaha muqdisho.
3
23
116
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Wadahadalka iyo dib u heshiisiintu waa faraca ugu weyn ee Dowladnimada casriga ah, sidaa darteed qof walba oo diida ama ka dhuunta labadaas wuxuu raadinaayo ama dhabaha uu ku socdo ma'ahan kii Dowladnimada. Abdikarin Hussein Guled
16
18
117
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan hambalyeynayaa Shirweynaha wadatashiga Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garowe, waxaan shirka ka rajeynayaa inay ka soo baxaan go,aano dhaxalgal ah oo dan u ah geedi socodka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Tweet media one
12
15
120
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan maanta kulan dhanka telephone-ka ah wada qaadanay safiirka dalka Ingriiska u fadhiya Soomaaliya Amb.Ben Fender. Kulankaas oo ahaa mid miro dhal ah, waxuu taabanayey dhinacyo badan oo guud ahaan arimaha Soomaaliya ah, gaar ahaanna arimaha doorashooyinka, cudur COVID19.
Tweet media one
Tweet media two
49
10
115
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Nolasha labo wado ayaa qofka u furan: inuu aqbalo oo isku dhiibo duruufaha ku hareeraysan, ama inuu qaato go, aan adag oo uu ku doonayo inuu ku badalo duruufaha iyo waaqaca uu ku dhex nool yahay.
2
12
113
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Amaan iyo bogaadin ayey mudan yihiin xubnahii murashaxiinta ahaa ee aqbalay natiijadii doorashada ee Galmudug, waxayna muujineysaa biseyl siyaasadeed iyo daqnasho ay u qabaan deegaankooda. Hogaanka cusub ee Galmudugna waxaa looga baahan yahay inuu arinkaas niyad wanaag ku qaabilo
Tweet media one
Tweet media two
14
8
112
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Hambalyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo maanta baarlamaanka Jubaland u doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka mudada afarta sano ah ee soo socota, waxaana mudanaha Rabi oga rajeynayaa inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Tweet media one
14
33
114
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Hambalyo Dr Khaliif Bille Maxamuud wakiilkii WHO ee Pakistan, oo maanta la gudoonsiiyey Bilad Sharafta ugu sareysa dalka Pakistan.
Tweet media one
9
21
100
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaliland iclaamiysay gooni isu-taagga. Ubadkii xiliga dhashay, hada waa masuul talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajir iyo midnimo Soomaali waa arrin u baahan aragti, dhabar adeeg iyo hogaan ku dhacleh.
Tweet media one
24
10
105
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan soo dhoweynaya shirka maanta madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb. Shirka waxaan ka sugeynaa inuu siyaasadda dalka xabsiga ka soo daayo, billowna u noqdo marxaladda kala guurka ah iyo inuu dhalo shirweyne Qaran oo kulmiya dhammaan qeybaha siyaasadeed.
Tweet media one
18
17
107
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada geesiyaasha ah ee reer Galmudug ee dib ugu rogaalceliyay gacantana ku dhigay magaalada Camaara. Waxaan ka tacsiyeynayaa shuhadadii halkaas ku nafwaayey. Waxaan shacabka ku guubaabinayaa inay kacaan ciidamadana garan iyo gaashaanba u noqdaan.
Tweet media one
Tweet media two
6
12
98
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta kulan wada qaadano mudanaha laga soo doorto degmada Kamukunji ee ay Soomaalidu ka degto Nairobi xildhibaan Yuusuf Xasan. Waxaan ka wada hadalnay arimo khuseya xiriirka labada dal iyo isbadalada baaxadda leh ee ka socda gobalka geeska Afrika.
Tweet media one
14
6
103
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Quruxda iyo bilicda xeebaheena. Jimco wanaagsan
Tweet media one
8
5
99
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan soo dhaweenayaa go’aankii iyo baaqii ka soo baxay kulankii Guddiga joogta ee Aqalka Sare ee ugu baqaya saamileyda siyaasadeed inay isigu yimaadaan kulan looga tashanayo loogana arinsanayo helista hanaan doorasho oo la isla ogol yahay.
Tweet media one
Tweet media two
6
22
98
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
عيد مارك، وكل عام وأنتم بخير وصحة وعافية.
Tweet media one
5
3
100
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan maanta booqasho ugu tagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed. Kulanka waxa aan iskula qaada dhignay xaaladda guud ee dalka uu marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii wadanka ay uga dhici laheyd doorasho loo dhanyahay oo wada oggol ah.
Tweet media one
21
11
89
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaa caawa sharaf ii aheyd inaan hoygiisa ku soo booqday ruug cadaaga siyaasadeed Amb. Dr. Cabdulahi Axmed Cadow. Dr. Cadow la kulankiisu waa mid ay kaaga hordheyso khibrad, xog ogaalnimo iyo waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid dowladeed intaba.
Tweet media one
14
5
99
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Waa xalay mar aynu ku kulanay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mudane Mahad Cawad magaalada Istanbul aanana ka sheekaysanay arimo badan oo dalka quseeya.
Tweet media one
11
12
99
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan kulan mihiim ah wada qaadanay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Gudoomiyaha waxaan ka wadahadalnay arimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaanna howlaha doorashooyinka.
Tweet media one
13
5
98
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxay aheyd maalin weyn oo ay hogaamiyaalka Soomaaliyeed isugu yimaadeen magaalada Kismaayo, si ay oga qeybgalaan xafladda caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland, ogana tashadaan aayaha iyo mustaqbalka dalka oo meel xasaasi ah haatan marayo.
Tweet media one
Tweet media two
63
15
97
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Alaha u naxariisto adeerkay marxuum Sheekh Xasan Guuleed oo ku geeriyooday saaka magaalada Hobyo, marxuumka oo ku geeriyooday cimri gaaraya 112 sano, waaxuu ka mid ahaa ardadii Sheekh Cali Samatar. Sh Xasan waxuu ahaa caalim qeyb lixaad leh ka soo qaatay fidinta diinta islaamka.
Tweet media one
50
4
94
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
It is very unfortunate that Farmajo’s administration is making baseless allegations against Djibouti and Kenya. Famaajo and his regime have adopted a vision of creating animosity and hatred between Somalis, their neighbors and brothers. It’s a dangerous way and it must stop.
23
20
95
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Nin xikmad badna baa lagu yiri wali laguma arag adigo cid kale wax ka sheegaya kolkaasu ku jawaabay " Taydiiba ma maareyne sideen tu cid kale wax oga sheega "
8
13
98
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Intaad shaqo ka dhigan laheyd dhaleeceynta qofka guuleystay ku dadaal inaad guusha kula tartanto kagana dheerayso, taasina waa farqiga u dhaxeeya xaasidka iyo qofka damaca iyo dhumaaxa leh.
14
10
95
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Qofna ma awoodo inuu waqtiga dib u celiyo, si uu nolasha dib ugu bilaabo, laakiinse waxuu karaa inuu salka u dhigo bilow wanaagsan oo gaarsiin kara yoolkiisa iyo yididiiladiisa.
10
11
95
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Runtii waa xaqiiq dhab ah waana duruufta ay kumanaan ubadkeena ah ay ku dhex nool yihiin, waxaanse hubaa sida aad sheegtayba in maalin laga baxayo, una baxeyno bari amaan ah -insha Allah- anago ku wada naalooneyn horumar iyo daganaasho daa,im ah
@alizia05
Anisa Khalif
6 years
Waxan ahay da'yar wax ku barata muqdisha. Waxan kuso aqliyeystay colaad, waxan Malin walba arkaa dhiig micno daro loo dadinayo hadana waxan nafta u shega in Malin un laga bixi dono. Malmihii wacnaa weysoo socdaan!! #Mogadishu
Tweet media one
586
241
3K
5
2
95
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Ramadaan Kariim dhamaan shacab weynaha Soomaaliyeed, waxaana bisha Ramadaan barakadeeda Allah ka baryayaa inuu umadda ka badbaadiyo kana samato bixiyo aafada iyo cudurka halista ah ee socda ee COVID19. رمضان كريم وكل عام وأنتم بخير وعافية.
Tweet media one
8
6
93
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
لا يستطيع أحد ركوب ظهرك إلّا إذا كنت منحنياً.
3
17
84
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Anigoo soo dhaweynaya dib u bilowga wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo heshiiska isfaham ee lagu gaaray dalka Jabuuti, haddana waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii ay wali marayaan halkii 5 sano hor ay marayeen, dowladda haatan joogto aysan waxba ku darin.
Tweet media one
24
14
86
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
سورتان في القرآن بدأت بالويل،، “ ويل للمطففين “ “ ويل لكل همزة لمزة “ الأولى : في أموال الناس،، والثانية : في أعراض الناس… فلا تغفل عنهما.
3
24
86
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan boggaadinayaa soona dhaweynayaa howlaha dib u heshiisiin ee dhinacyada kala duwan leh ee uu wado madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo ku doonayo isku baadi goobista dhinacyada iyo qeybaha kala duwan ee Galmudug.
Tweet media one
11
8
89
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Si kasto aan ubadka ugu sheegno aadaabta wanaagsan, waxay ahaaneysa mid ku dahsoon maskaxdooda oo aan macno u laheyn, haddeysan ka arag dhaqan ahaan mid oga muuqata nolasha dadka waaweyn iyo waalidka intaba.
5
8
86
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaa haboon in cid kasta dhaqankeeda iyo lahjadeeda gaarka ah lagu ixliraamo loona dhowro, waana si kali ah ee aynu isku aqbali karno una wada jiri karno. Haddaba afka BARAWAAGIGA oo ah af soo jireen ah, taariikh fac weyna leh, waxay dadkiisa mudan yihiin in lagu ixtiraamo
Tweet media one
2
9
90
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Alaha u naxariisyo Halgane Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo aynu joogno munaasabadda xuska 31 guurada xiligii uu heeriyooday, mudanahu waxuu u soo halgamay xoriyadda dalka Soomaaliyeed, waxuuna naga mudan yahay asaga iyo intii la soo halgantayba xusuus, qadarin iyo weynayn.
Tweet media one
12
12
85
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Hambalyo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo Gudoomiyihiisa ee maanta Mogadishu looga dhawaaqay, waana tilaabo horumar leh oo dalku ugu sii socdo nidaamka axsaabta badan, kagana guurayo nidaamkii matalaadda qabiil, waxaan xisbiga u rajeynayaa guul iyo horumar.
Tweet media one
10
12
83
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Koob shaah ah ma ku dartay sonkor adigon ku qasina ma is tiri kabo wax raad sokor ah kama dhadhamisid sow ma aha, haddaba noloshuna waa sidoo kale haddaadan wax dheqdheqaaq iyo wax qabsi aadan muujin nolasha macaankeeda lagama yaabo inaad dhadhamiso.
8
7
88
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
9 months
Another major diplomatic victory for #Somalia . Thank you, UK 🇬🇧, for your steadfast support and unwavering commitment to the sovereignty and territorial integrity of #Somalia ,
@UKinSomalia
UK in Somalia🇬🇧🇸🇴
9 months
The UK is concerned by escalating tensions in the Horn of Africa. We reaffirm our full respect for the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia. We urge restraint and dialogue to peacefully resolve issues.
345
481
1K
26
14
84
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
It is unfortunate the National Consultative in Afisyoni has collapsed. Conference was awaited by Somalis and International community, this will have dire consequences for the country and its elections. Farmajo is responsible for the failure he never wanted free+fair elections.
23
14
83
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
سورتان في القرآن بدأت بالويل،، “ ويل للمطففين “ “ ويل لكل همزة لمزة “ الأولى : في أموال الناس،، والثانية : في أعراض الناس… فلا تغفل عنهما.
4
7
85
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaa isoo gaaraya walaaca dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee maanta faafisay wasaaradda waxbarashada ee DF. Waxaan ugu baaqayaa DF in aan la fududeysan mustaqbalka Aradad. Lana magacaabo guddi heer Qaran oo arrintan hufnaanteeda xaqiijin ku sameey.
Tweet media one
16
14
83
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaa hoyga aan ka deganahay Garowe igusoo booqday @alihwarsame oo ahaa Wasiirkii waxbarashada Puntland & murashax madaxweyne Soomaaliya sanadkii 2017-kii. Cali Xaaji waa indheergarad, siyaaasi & aftahan, waxuu ka mid yahay aqoonyahannada aadka looga ixtiraamo Soomaaliya.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
9
7
84
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
7 years
Weelasha marani shanqar iyo shabaq badan ayey leeyihiin halka weelasha buuxana aysan sharqamin, aadanahuna waa sidaa oo waxaa ugu qaylo iyo buuq badan kuwooda garashada iyo garaadka yar.
13
13
83
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Qofka aan la jirkaaga u arkin guul iyo wax tar, adna ka tagistiisa marna khasaare ha u arag.
10
7
83
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan soo dhaweynayaa go,aanada ka soo baxay Shirweynaha wadatashiga ee Puntland, go,aanadaas oo ah kuwo qeyb ka qaadanaya geedi socodka dowlad dhisidda Soomaaliya. Waxaan dowladda faderaalka ugu baaqayaa inay dhagaha u furto baaqyada isdaba joogga ah.
Tweet media one
Tweet media two
31
7
80
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Soomaaliya waxey maanta taagan tahay marxalad u baahan in looga gudbo wadahadal, tanaasul iyo is aqbalid, taas oo laga waayey madaxdii loo doortay hogaanka dalka. Kullanka Dhuusamareen, waxaa looga fadhiyaa inuu horseedo jawi isfaham iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Tweet media one
5
4
81
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
3 years
What Farmajo did today can only be explained as a political suicide and a desperation. It is an attempt to create political chaos, disrupt peace stability and destroy the system of governance. Farmajo’s presence will not help the smooth running of the country's elections.
Tweet media one
29
27
81
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
1 year
Amidst the trials Somalia has faced, the resilience & unity of the Somali people have shone brightly, proving our indomitable spirit. Through unity and determination, we can overcome these challenges and construct a future of prosperity & peace. Together, we stand For Somalia.
Tweet media one
22
14
77
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Af-xirka ha lagu dagaalo si aynu caabuqa Covid19 kaga hortagno. Jimco Wanaagsan
Tweet media one
12
5
78
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed. Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa laga doonayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkaas.
Tweet media one
13
5
75
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
We worked really hard to get a solution to the election disagreements. The meeting between political stakeholders and PM Rooble has achieved a MOU sorounding the issue of elections. This is a step forward towards an election that’s fair, free and inclusive!
Tweet media one
6
8
74
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Madaxweynaha meel u hartay ma jirto mar hadii shirkii IGAD lagu xasuusiyay ahmiyadda ay leedahay in lagu heshiiyo hannaanka doorasho. Waxaan rajeynaya inuu ka xoroobo aragtida duugga ah ee ku dhisan gacanta ku garoorsiga iyo danta gaar ah, oo uu ummada soo dhex fariisto.
Tweet media one
17
16
73
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee Baalamaanka ee la doortay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana u rajeynayaa inuu ilaahay xilka culus ee loo doortay uu u fududeeyo.
Tweet media one
3
10
70
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Alaha u naxariisto walaalkey G/Sare. Kamiin Cabdulaahi Guuleed, Janadii fardowsana Rabi ha ka waraabiyo, anagana samir iyo iimaan dhamaanteen Alaha naga wada siiyo.
Tweet media one
30
5
75
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Runtii waa i taabatay dhibaatada foosha xun leh ee jirdilka, kufsiga iyo dilka ee la gula kacay gabadha yar ee Caaisha, magaalada Gaalkacyo. Haddaba waxaan mas,uuliinta Puntland iyo waxgaradka Gaalkacyaba u soo jeedin lahaa in dadkii falkaasi geystay cadaaladda la horkeeno.
Tweet media one
16
21
74
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Hambalyo 60 guurada munaasabadda 26-ka Jun oo ku beegan maalintii calan Soomaaliyeed laga taaggo dhul Soomaaliyeed ee ay xoriyadda qaateen gobalada waqooyi (Somaliland).
Tweet media one
8
11
75
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Waxaan maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Nairobi madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Geele, anagoo si qoto dheer oga hadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaana arimaha Galmudug.
Tweet media one
6
11
76
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
6 years
Dad waxaa ugu liita qofka u riyaaqa rumeystana beenta uu jacel yahay, iskana naca oo beensada xaqiiqada dhabta ah ee uusan markaas la dhacsaneyn.
11
7
77
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
4 years
Jimco wanaagsan dhamaantiin.
Tweet media one
7
1
71
@AHGuled
Abdikarim Hussein Guled
5 years
Sharaf ayey ii aheyd inaan Magaalada Nairobi kula kulmo Halgame Abdikarin Qalbi Dhagax oo ah qof sharaf iyo xurmo mudan.
Tweet media one
7
3
74